U.S. flag

An official website of the United States government

Official websites use .gov
A .gov website belongs to an official government organization in the United States.

Secure .gov websites use HTTPS
A lock ( ) or https:// means you’ve safely connected to the .gov website. Share sensitive information only on official, secure websites.

Discrimination Intake Form

Turjum Boggan

Foomkaan waxaa loo isticmaalaa qabashada keliya mana muujiyo in Guddiga Xuquuqda Aadanaha Cambridge (Cambridge Human Rights Commission) u qabatay warbixintaan sida ashtako. Shaqaalaha Guddiga ayaa kula soo xariiri doono si lagaala soo xariiro waxa aad soo gudbisay. Fadlan xasuuso in Guddiga Xuquuqda Aadaaha Cambridge (Cambridge Human Rights Commission) loo xil saaray oo keliya ashtakooyinka takoorka ee ka dhacay Magaalada Cambridge (City of Cambridge), iyo wuxuu baari karaa oo keliya eedeynta falalka takoorka ee dhacay muddo 180 maalin gudahooda laga bilaabo taariikhda la saxiixay ashtakada. Haddii aadaan rabin in aad isticmaashid foomkaan, Shaqaalaha Guddiga waxay kaala soo xariiri doonaan telefoonka ama qof ahaan, kaddib marka lagu siiyo ballan.

Macluumaadkaada

Macluumaadka Ashtakada

Fadlan calaamee sanduuqyada hoose ee ku habboon haddii aad aaminsan tahay in iyaga ay ku lug lahayeen ashtakadaada:

Noocyada Takoorka

Haddii ay kula tahay in lagu takooray adiga oo raadsanaay guri, inta aad daggan tahay gurigaada, ama aad ku hawlan tahay hawl la xariirta guriyeynta, sida dalabka deynta ee Cambridge. Waxaa jira xaalado kale oo la xariira takoorka guriyeynta, iyo awoodda Guddiga (Commission) ku baaro xaajada waxaa la qiimeyn doonaa kaddib marka wada hadal dheeraad ah lala yeesho shaqaalaha Guddiga (Commission). Si aad u heshid sharaxaad dheeraad ah, tixraac "Maxaa hoos yimaada Sharciga Xaqa Guriyeynta Cambridge (Cambridge Fair Housing Ordinance) xagga Takoorka Guriyeynta (Housing Discrimination)?" ee qeybta Talooyinka iyo Su'aalaha Badanaa Leys Weydiiyo (Tips and FAQs section) lagana helo bogga internetka Guddiga Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Commission).

Diidmada Guryaha

Haddii aad aaminsan tahay in aad takoor kala kullantay ganacsi, ama meel u furan dadweynaha ku sugan Cambridge. Si aad u heshid macluumaad dheeraad ah, tixraac "Maxaa loola jeedaa takoorka adeegyada dadweynaha?" ee laga helo qeybta Talooyinka iyo Su'aalaha Badanaa Leys Weydiiyo (Tips and FAQs) ee laga helo bogga internetka Guddiga Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Commission).

Haddii aad aaminsan tahay in aad takoor kala kullantay meesha aad ka shaqeysid, aadna ku eedeyneysid ururka shaqaalaha, ama wakaalad shaqo oo ku taal Cambridge. Si aad u heshid sharaxaad dheeraad ah, tixraac "Maxaa loola jeedaa takoorka shaqada?" ee ku qoran qeybta Talooyinka (Tips) iyo su'aalaha badanaa leyweydiiyo (FAQS) ee laga helo bogga internetka Guddiga Xuquuqda Aadanaha (Human Rights Commission).

Haddii aad aaminsan tahay in ay ku takoortay hay'ad waxbarasho oo ku taal Cambridge. Waxaa jira waxyaabo kooban, oo si tafatiran lagala hadli karo shaqaalaha Guddiga.

Macluumaadka Tirada Dadka

Gelinta macluumaadka waxay nagu kaalmeyn doontaa in aan fullino shaqo wanaagsan lana socono dadaalka aan wadno si aan ula dirirno takoorka.

Maxuu yahay aqoonsigaada isirka / jinsiyadda?
(Calamee dhamaan inta lagu dabaqi karo):
*

Maxuu yahay aqoonsigaada jaadka aad tahay?
(Calaamee dhamaan inta lagu dabaqi karo)
*

Macluumaadka Xariirka

Jennifer Mathews, Agaasimaha Fulinta
51 Inman St. 2nd Floor
Cambridge, MA 02139
Telefoon: 617-349-4396

Saacadaha Adeegga

Isniin: 8:30 a.m. - 8:00 p.m.
Talaado-Qamiis: 8:30 a.m. - 5:00 p.m.
Jimco: 8:30 a.m. - 12:00 p.m.
Contact Us

How can we help?

Please provide as much detail below as possible so City staff can respond to your inquiry:

As a governmental entity, the Massachusetts Public Records Law applies to records made or received by the City. Any information received through use of this site is subject to the same provisions as information provided on paper.

Read our complete privacy statement


Service Requests

Enter a service request via SeeClickFix for things like missed trash pickups, potholes, etc.